WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Amar culus oo kasoo baxay Jubbaland oo ka dhaqan galaya Kismaayo

Taliska Booliska Maamulka Jubbaland ayaa waxaa Maanta Magaalada Kismaayo ay ka billaabayaan dhaqan gelinta Amar horay uga soo baxay Wasaaradda Amniga ee ahaa in wax hub ah an lagu dhex-qaadan karin Gudaha Magaalada.

Taliyaha guud ee Ciidanka booliska Jubbaland Jeneraal Maxamed Cabdi Sheekh Xujaale  ayaa sheegay in la dhaqan galin doono amarka wasaaradda Amniga Jubbaland, isla markaana Kismaayo ay ka bilaabayaan howlgallo ka dhan ah hubka sharci darrada ah.

Waxaa uu sheegay in aan marnaba la aqbaleyn in hub lagu dhex-qato Magalada Kismaayo, balse  kaliya hubka loo ogol yahay Ciidamada amniga sugaya, balse qofkii hub lagu qabto la xiri doono qorigana ay la wareegi doonaan

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Ugu dambeyn Taliyaha guud ee Ciidanka booliska Jubbaland Jeneraal Maxamed Cabdi Sheekh Xujaale  ayaa ugu baaqay Siyaasiyiinta & mas’uuliyiinta Jubbaland inay amarkaas dhaqan geliyaan, isla markaana howlgalkan uu yahay mid lagu sugayo amniga doorashooyinka.

SOMALI NEWS

To Top