WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Dowladda Somalia oo Codsi muhiim ah u dirtay Qatar, kadib kulan…

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa khadka teleefoonka kula hadlay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Qatar, Sheikh Mohammad bin Abdulrahman Al-Thani.

Labada Mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah u dhexeeya , si la mid ah waxa ay fallanqeeyeen xaaladihii ugu dambeeyay arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq ayaa u soo jeediyay hindiso Dowladda Qatar oo xilligan shir-guddoon ka ah kaltanka caadiga ah ee 155aad ee Golaha Jaamacadda Carabta heer wasiir in ay soo hordhigto feylka Soomaaliya shirka soo aaddan ee wasiirrada si looga hadlo horumarka siyaasadeed iyo amni.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa sidoo kale dowladda Qatar uga mahadceliyay taageerada ay mar kasta la garab taagan yihiin dowladda Federaalka.

SOMALI NEWS

To Top