WARARKA SOOMAALI

Soomaliland oo xabsiga kasii daysay Fanaaniin hore u tagay Xamar iyo arrintii isdhex galka oo-Video..

Hargeisa  ( HM )-Soomaliland, Maxkamadda magaalada Hargeysa ayaa Saaka fasaxday Fanaaniinta Barwaaqo Qalanjo iyo Xamda Qaali oo muddo laba bilood ka badan u xidhnaa inay booqasho ku tageen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Waxaa horay Xabsiga looga sii daayey Fanaanka Saalax Carab, kadib markii uu isaguna Cod uu soo duubay ku sheegay inuu dalka yemen u dhashay, Islamarkaana aysan Jirin Sabab loogu xidho inuu Muqdisho booqday.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Go’aanka  Maxkamaddu kusii daysay Labada Fannaan ee Barwaaqo Qalanjo iyo Xamda Qaali ayaa kusoo aadayaa, iyadoo maalintii shalay uu soo baxay Qodob kamid ah Heshiiskii Shirka Jabuuti oo dhigaya Isdhexgalka Bulshada, Sida Ciyaaraha, Abwaanada, dhaqanka, Fannaaniinta iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada, taas oo u muuqata inay xidhiidh weyn la leedahay sii deynta Fanaaniintan.

Horufadhi News

Fanaaniinta Barwaaqo Qalanjo iyo Xamdi Qaali.
@Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top