WARARKA SOOMAALI

Muqdisho oo isku diyaarisay maalmaha xuriyadda iyo dood ka taagan Calanka saxda ah ee Soomaaliya-Video

Muqdisho ( HM ) Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxay u muuqaal ekaatay magaalo Xusaysa maalmaha Xoriyadda, waxaana Wadooyinka Caasimadda iyo goobo badan lagu xidhay Calanka Buluuga ah ee dalka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Balse waxaa jira dood ka taagan Calanka Midabkiisa saxda ah, iyadoona shacabka iyo Ganacsatadu ay adeegsanayaan Calan uu Buluugu aad ugu badan yahay ama xidigo badan, hadana waxay uga dhigan tahay dadkaasi inay xusayaan Maalmaha Xoriyadda.

Abwaan badal ayaa tilmaamay in Calamada la sudhay caasimadda ay yihiin kuwa aan sax ahayn midabkooda.

Calanka Wadooyinka magaalada Muqdisho la sudhay ayaa la sheegay inuu yahay midka saxda ah, waxaana inta badan calankaas adeegsata Dawladda Soomaaliya, waxaana loogu baaqay in Ganacsatada loo qaybiyo midkaasi.

Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka ugu Calanka Quruxda badan dalalka Caalamka.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top