WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo oo madaxda maamul gobaleedyada ku casuumay Muqdisho inay yimadaan-Akhriso

Muqdisho (HM)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku casuumay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in ay kasoo qeyb galaan Shirka Golaha Amniga Qaranka oo ka dhici doona magaalada Muqdisho.

War goor dambe oo xalay ah laga soo saaray Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shirkan uu qabsoomi doono  inta u dhaxaysa 5-8 Luulyo, isla markaana ajandihiisu yahay sidii wadatashiyo balaadhan looga yeelan lahaa doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argixisada, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.


War goor dhow laga soo saaray Madaxtooyada Villa Somalia ayaa lagu sheegay in shirkan uu qabsoomi doono  inta u dhaxaysa 5-8 Luulyo, isla markaana ajandihiisu yahay sidii wadatashiyo ballaaran looga yeelan lahaa doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argixisada, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) waxa ay adkaynaysaa muhiimadda shirkan, maadaama uu dhammeystir u yahay guulaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee ay wadajirka u xaqiijiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxa uuna shirku jihaynayaa geeddi socodka dimuqraadiyeed ee dalkeenna”ayaa lagu yidhi War saxaafadeedka Madaxtooyada.

Shirkii maalmo ka hor Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ku dhex maray aallada Internet-ka ayaa loo daayay Madaxweynaha inuu soo iclaamiyay xilliga shirka dhacayo iyo goobta uu ka dhacayo.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top