WARARKA SOOMAALI

Puntland oo war kasoo saartay xaalada Soomaaliya kuna goodisay inay isku tashan doonto haddii..

Garoowe (HM)-Puntland ayaa war saxaafadeed culus ka soo saartay xaaladda siyaasadeed ee dalka,  waxaana ay ku qaadacday Xeerarka doorashooyinka ee horyaala Golaha Shacabka, iyadoo walaac ka muujisay in aan la tixgelin is afgaradkii lagu gaadhay kulankii dhanka qadka Internet-ka ee 22 bishan June ay yeesheen Madaxda Dowladda Federaalka iyo DG, kaasoo ahaa in la joojiyo doodda Golaha Shacabka ee la xidhiidha Xeerarka doorashada.


Sidoo kale Puntland ayaa ka digtay in shuruucda dalka lagu salleeyo damac gaar ah iyo rabitaanka Madaxda dalka, iyadoo loo marayo habraacyo aan waafaqsaneyn Dastuurka KMG, laguna dhiiranayo been abuur iyo is daba marin sida ku cad Warqada Guddoomiyaha Aqalka Sare.

Waxaa kaloo Puntland caddeysay in qaraarada ay gaadheen Baarlamaanka 10aad ee la xidhiidha arrimaha doorashada iyo kheyraad qeybsiga aysan qeyb k aheyn kana noqon doonin dhaqan gelintooda.

Ugu dambeyn Puntland ayaa sheegtay inay ka go’an tahay qaadashada go’aan kasta oo u ogolaanaya Dastuurkeeda isla markaana ku xusnaa go’aanadii ka soo baxay shirkii Wadatashiga Puntland ee ka dhacay Garowe 15-17 bishii Maarso 2020, haddii ay adkaato xal u helist arrimaha siyaasadeed ee murugsan ee wadatashigooda loo balansan yahay, isla markaana ay ka waantoobi waayaan madaxda dowladda Federaalka maroorsiga talada aayaha dalka iyo hareer marida Dastuurka, sida ku xusan warqada kasoo baxay maamulka Puntland.

Akhriso war-saxaafadeedka Puntland.

SOMALI NEWS

To Top