WARARKA SOOMAALI

Puntland oo ka qaylisay heshiis Dowladda iyo Soomaliland ka gaadhaan arrinta hawadda-Video

Garoowe  ( HM) Wasiirka Wasaaradda Duulista hawada maamulka Puntland oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe, ayaa ugu horayn Hambalyo u diray Maareeyaha Cusub  ee Hay’adda Duulista iyo Hawada Soomaaliya Axmed Macalim oo Madaxwayne Farmaajo uu magacaabay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dhinaca kale Ilyaas Cismaan Lugatoor, Wasiirka duulista hawada iyo garoomada maamulka Puntland wuxuu ka hadlay Shirka dalka Jabuuti ee loo Balansan yahay ,  Wuxuuna dood ka keenay in heshiis ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ka gaadhaan maamulka hawada Soomaaliya, isagoo dalbaday in si siman loogu qeybiyo gacan ku haynta Maamulka hawada Soomaaliya.

“Hawada Somaliland 10-daqiiqa la dulmaro taan Puntland la dulmaaro 1-sac iyo 28 daqiiqo in la yidhaahdo Hawada Soomaaliya waxaa loo goynaya Somaliland waa wax aan soconin, Waxaa muhiim ah hawada in si simaan lagu qeyb-saado shirka Jabuuti ka dhacaya ee loo balansan yahay”. Ayuu yidhi

Wasiirka ayaa si cad u sheegay inuusan maamulkoodu aqbaleyn waxkasta oo kasoo shirkaasi oo ku saabsan maamulka Hawada oo aysan qeyb ka aheyn Puntland.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top