WARARKA SOOMAALI

Soomaliland oo ka hadashay xidhiidhka Itoobiya ka xanaaqday ee ay Masar la yeelatay-Video

Hargeysa  ( HM ) -Somaliland ayaa markii u horeysay si rasmiya uga hadashay xidhiidhka cusub ee Masar, Iyadoo muddooyinkii dambe ay masar ku howlaneyd siday xidhiidh iyo heshiis ula saxiixan laheyd  Somaliland, xili ay taagan tahay xiisada webiga Nile-ka ee kala dhaxeysa Itoobiya, oo  Somaliland uu Xidhiidh wanaagsan kala dhexeeyo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Liibaan Yuusuf Cismaan, Wasiir kuxigeenka arrimaha dibedda maamulka Somaliland ayaa sheegay in xiriirka cusub ee Masar uu yahay iskaashi labada dhinac dhex-mari doona, kaasi oo kor u qaadaya Dhaqaalaha iyo Ganacsiga labada dhinac.

Liibaan ayaa sheegay in xiriirka diblumaasiyadeed ee Masar ay la yeelaneyso uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin midkii ay hore ula laheyd dowladda Itoobiya, oo iyadu xasaasiyad gaar ah ka qabta xidhiidh xiligan dhex-mara Somaliland iyo Masar, Waxaana la sheegay in Dawladda Itoobiya ay Walaac xoogan ka qabto Arintaasi.

Wasiirka ayaa xusay in wafdi ka socda dowladda Masar uu yimid Somaliland,Wuxuna sheegay in mowqifka Somaliland ee xiisada webiga Nile-ka uu yahay mid dhex-dhexaadnimo, isla markaana ay dalbanayaan in sida ugu dhaqsaha badan jawi nabadeed ugu furdaamiyaan xiisadaasi u dhaxeysa Masar iyo Itoobiya.

Wuxuuna si gaar ah u xusay in dowladda Masar ay si weyn ugala shaqeyn doonto dadaalada ay Somaliland ugu jirto Ictiraaf raadinta, maadama ay ka tirsan tahay Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka Somaliland ee ka hadlayey arrintan ayaa marnaba si cad u xusin rabitaanka dowladda Masar ee ku aadan in saldhig millateri ka sameysato gudaha Somaliland, iyada oo dhawaan wafdigii Masaarida ee tagay Hargeysa uu arrinkaasi kala hadlay madaxweyne Muuse Biixi.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top