WARARKA SOOMAALI

Colaadii Gobolka Cayn oo Lasoo Xidhay iyo Wejiga Labaad oo ka dhacaya Saaxdheer-Video

Buuhoodle (HM )-Waxaa magaalada Horufadhi maanta lagu soo Afmeeray Wejiga Koobaad ee Nabadaynta Beelaha  Walaalaha ah ee Colaadu ay dhowaan ku dhexmartay deegaano dhaca Waqooyiga magaalada Buuhoodle ee Xarunta gobolka Cayn.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madasha waxaa laga Akhriyey go’aano hordhac ah oo laga soo saaray Colaadaasi, iyadoo deegaanka Horufadhi uu noqon doono mid ka Caagan wax ciidamo ah, Waxaa laga qabtay guddiyo Labada Beelood, iyadoona Ganaax la dul dhigi doono cida jebisa Heshiiska.

“Cid iska kiin xigta Labadiina beelood ma jirto,  ee intaas Ogaada “ Ayuu yidhi Garaad C.risaaq.

Waxaa madasha ka hadlay  Madaxda dhaqanka oo ay kamid yihiin  Garaad C.risaaq Garaad Soofe,   Suldaan Siciid Cismaan Cali,  Garaad Cabdisalaam Xasan Maxamed,  Garaad Jamac Garaad Ismaaciil,   Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdillaahi,

Qaybta Labaad ee Heshiiskan ayaa lagu dhamaystiri doonaa  magaalada Saaxdheer ee Gobolka Sool,   Iyadoona Go’aano Rasmi ah laga soo saari doono Halkaasi, Marka uu Heshiiska rasmiga ah dhaco,

Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac oo ugu dambayntii Kulanka soo xidhay ayaa Xusay in Gogosha Nabadda ee la dhigay Saaxdheer ay wada dhigeen dhammaan isimadu, Talladana ay Beesha Dhulbahante wada leedahay, deegaana aysan kala lahayn, Wuxuuna Rajjo wanaagsan ka muujiyey in Colaadaasi lasoo Afmeero.

Qaar kamid ah Waxgaradka Labada Beelood ee Hagar iyo Hayaag, oo Isku abti ah ayaa Madasha Heshiiska ku kulmay kuwaasi oo isku ilmeeyay.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top