WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyey Dhuusamareeb iyo qorshaha kulan kale oo caawa dhacaya-Video

Dhuusamareeb (HM) – Wararka aan ka heleyno xarunta madaxtooyada Galmudug ayaa sheegaya in madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ay mar kale caawa isugu iman doonaan kulan kale kadib kulankii halkaas ku dhex-maray maanta.

Kulankii maanta ayaa ku saabsanaa sidii loo jaangoyn lahaa qodobbada muhiimka u ah wadatashiga Heer Federaal iyo Heer dowlad Goboleed, hannaanka geeddi socodka siyaasadda doorashooyinka iyo Amniga Qaranka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Sida aan xogta ku helnay kulanka maanta ayaa doodo adag oo ku saabsan doorashada ay harreeyeen, ayada oo aanay jirin wax isfaham ah oo laga gaaray ajendeyaasha kulanka weyn ee la filayo inuu berri furmo.

Kulanka caawa ayaa la sheegay in ujeedkiisa uu yahay in wixii maanta aan la isku fahmin xal laga gaaro, si kadib shirka si rasmi ah loogu furo berri.

Ujeedada ugu weyn ee kulamadan ayaa ah in ayada oo wax la isku raacsan yahay la tago shirka weyn, maadaama uu yahay mid dadka oo dhan iyo warbaahinta u furan islamarkaana aan dood iyo buuq lagu muujin karin.

Dhinaca wararka aan heleyno ayaa sheegaya Madaxtooyada Somaaliya ay weli ku adkeysaneyso doorasho qof iyo cod ah iney ka dhacdo Soomaaliya 2020/2021-ka, taasi oo ah caqabadda taagan.

Ilo ka tirsan mas’uuliyiinta la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi saacadihii tagay ayaa xaqiijiyey iney jirto kala aragti duwanaanshiyo ku saabsan qaabka doorashada oo u dhaxeysa dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Madaxweyne Farmaajo waxaa uu dadka la kulmay u sheegay in la gaadhay xilligii Soomaalida go’aan ka gaadhi lahaayeen dadkii matali lahaa, isla markaana uu rajeynayo in riyadaas uu u dhabeeyo.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top