WARARKA SOOMAALI

Soomaliland oo jawaab kulul ka bixisay hadalkii Farmaajo ee xalay.

Hargeysa (HM) – Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa si kulul uga jawaabay hadal uu xalay madaxweynaha Soomaaliya ka sheegay dood cilmiyeed ku saabsaneyd arrimaha doorashooyinka dalka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweyne Farmaajo oo hadal ka jeedinayey doodadaasi ayaa sheegay in Somaliland aysan go’in karin, islamarkaana ay midnimada Soomaaliya tahay mid muqadas ah.

Muuse Biixi Cabdi oo isna u jawaabayey Farmaajo ayaa yidhi “Shantii Soomaaliyeed inay midoobaan reer Somaliland kow bay ka yihiin, laakiin Caqliga siyaasiyiinta Xamar jooga iyo 5 madaxeyne ma yahay kii Soomaali isu keeni lahaa?.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo|) uu isaga uu yahay qofka wax ka socon la’yihiin, sida uu hadalka u dhigay.

“Farmaajo waxa aan leeyahay ha tilmaamin midnimo waadigii taababka u jaraye”. ayuu sii raaciyey Madaxweynaha Maamulka Somaliland.

Si kastaba ha’ahaatee hadallladan kulul ee ay dhanka warbaahinta isku mariyeen labada madaxweyne ayaa ku soo aaday, xilli dhowaan wada-hadallada labada dhinac ay dib uga billowdeen dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top