WARARKA SOOMAALI

Ciidamada Maamulka Somaliland oo Ganacsade caan ah gurigiisa Boorame ugu dhacay-Video

Boorame (HM) Ganacsade  Xaaji Idiris  Aadan Xasan oo kamid ah Ganacsatada gobolka Awdal, ayaa Habaynkii Xalay waxaa Gurigiisa ugu daatay Ciidamo ka tirsan Somaliland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Ciidamo Boolis ah ayaa gurigayga Bilaa Sabab kusoo galay,   waxayna sheegeen inay I xidhayaan” Ayuu yidhi.

“Waxaan leeyahay Xukuumadda Muuse biixi, aniga Caawa taasi way igu dhacday,   Qofkalana way ku dhici doontaa,   waa Wixii aad ka dagaalanteen,  idinka ayaana maanta wada,  dad ayaa guryahooda loogu soo dhacaa” Ayuu yidhi Ganacsadaha.

Ganacsade Idiris ayaa la sheegay in Arimaha loo haysto ay kamid tahay  Wiil  u shaqaynayey, oo dhowaan uu Damiintay.

Ugu dambayntii wxuu sheegay in hadii dawladdu ay dadka ilaalin waydo, inay shacabku is ilaalin doonaan.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top