WARARKA SOOMAALI

Farmaajo:-“waxaan diyaar u ahay in aan kursigeyga ku beddesho Midnimada Soomaaliya & wada-hadallada Somaliland.”-Video

Muqdisho (HM ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo marti ku ahaa dood cilmiyeed uu soo agaasimay Machadka RAAS ee Falaanqeynta Siyaasadda ayaa tilmaamay dadaalka dowladdu ay ku bixisay qabsoomidda doorasho ka turjumeysa hor u socodka iyo dimuqradiyadda dalka.

Madaxweynaha ayaa si mugleh uga warbixiyey muhiimadda ay dalka u leedahay in shacabka Soomaaliyeed ay doortaan hoggaanka ay ku aaminayaan talada dalka iyo mataleyaashooda Baarlamaanka, maadaama doorasho qof iyo cod ah ay xal u tahay ka hortagga faragelinta shisheeye, musuqmaasuqa iyo xasillooni darrada siyaasadeed.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka jawaabay weydiimaha qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ee qeybta ka ahaa Dood-cilmiyeedkan, su’aalahaas oo ay ka mid ahayd wakhtiga qabsoomidda doorashada, doorka dhallinyarada ee isbeddelka siyaasadeed ee sanadka 2021-ka, sababaha ay u qabsoomi weyday doorashada qof iyo cod ah, guulaha iyo caqabadaha dib u heshiisiinta.

Sidoo kale, Madaxweynaha oo ka jawaabayey weydiimo la xidhiidha dagaalka ka dhanka argagixisada iyo deegaannada ay ku dhibaateeyaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in muddadiii uu hayey xilka Madaxtinimada dalka la wiiqay awooddii argagixisada Alshabaab, iyada oo dib u dhis xooggan lagu sameeyey Ciidamada Qalabka Sida, lana xoreeyey deegaanno badan oo argagixisadu ay ka soo abaabuli jireen qaraxyada iyo weerarrada ay ku gumaadaan shacabka Soomaaliyeed.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dhinaca kale  su’aalo badan oo la weydiiyay waxaa ku jiray  qaar muhiim ahaa oo uu ka booday ama uu sheegay in aanu ka jawaaabi karin – waxaan kamid ahaa labo su’aalahaasi,  Arinta  ???? ??? ?????? iyo . ?????????????????? ??? ???? ????? ? ?????????,  Labada su’aaloodba kama jawaabin Madaxweynuhu  Wuxuuna ydihi.

?. “??’????? ????? ?? ?? ???????? ???? ??? ?????? ??? ????????-????? – ?????, ??’???????? ??? ???? ????? ???? ??????? ???? – ?????? ??? ????”.

?. “??’????? ?????? ??? ?? ??? ? ????????? – ?? ??? ???? ?????????? ?????, ??????????? ?????? ???????? ????? ????? ??? ?????? ?????? ????? ??????”.

Dhanka kale isaga oo ka hadlaya arrinta wadahadalada Soomaliland ayuu yidhi “Anigu waxaan diyaar u ahay in aan kursigeyga ku beddesho Midnimada Soomaaliya iyo wada-hadallada Somaliland.”.

Horufadhi News.

SOMALI NEWS

To Top