WARARKA SOOMAALI

XOG:-Muuse Biixi oo isku shaandhayn Balaadhan ku sameyn doona Xukuumadiisa iyo Wasiiro Wadnaha farta ku haya-Akhriso

Hargeysa (Horufadhi News)-Madaxweynaha maamul Gobaleedka Soomalilland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu wadaa in uu Bishan aynu ku jirno ee June uu isku shaandhayn balaadhan ku sameeyo Xukuumaddiisa gaar ahaan Golaha Wasiiradda inta badan sida ilo xogagaal ah usoo gudbiuyeen Horufadhi News.

In kasta oo uu qorshuhu ahaa  in uu isku shaandhaynta Muuse Biixi ku sameeyo Xukuumaddiisa Bishii May dhamaadkeeda, hadana waxa ka soo dhex gashay Bishii Barakayssan ee Ramadaan oo iminka gabogabo maraysa.

Isku shaandhaynta uu Muuse Biixi Cabdi ku samaynayo Xukuumadiisa ayaa ka danbaysay sida aan ogaanay  ka dib markii ay soo baxeen habac sanaan  badan oo ku saabsan xubnihii uu u xushay in ay la shaqeeyaan oo aan sidii la rabay uga soo bixin xilalkoodii taasna ay soo da dejin doonto in uu isku shaandheyn Balaadhan ku sameeyo Wasiiro badana uu xilalka ka caydhiyo.

Masuuliyiinta Xilalkooda Waayi doona iyo kuwa la isku bedelayo ayaa waxa ku jira wasiiro, Agaasimeyaal, Guddoomiyeyaasha Goboladda iyo xubno kale maamulkiisa kamid ah kuwaas oo aan shaqadii uga soo bixin sidii loogu tala galay.

Masuuliyiinta iminka Xilalka haya ayaa wadnaha farta ku haya, waxaanu mid waliba ku hawlan yahay sidii uu u badbaadsan lahaa xilkiisa in kasta oo uu bedelkoodu miiska saaran yahay, qaar badan oo Wasiiradda kamid ah ayaa hadaba lasii saadaalinayaa in ay waayi doonaan xilalkooda.

Wasiiradda sida aadka ah loo Saadaalinayo isla markaana Wadnaha farta ku haya waxaa kamid ah sida nala soo gaadhsiiyey Wasiirka gaashaandhiga Somaliland Ciise Xawar,Wasiirka Warfaafinta Guri Barwaaqo iyo Wasiirka Howlaha guud iyo Guryeynta Somaliland.

Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helayno  Madaxtooyada Soomaliland  ayaa sidoo kale waxaa ay intaasi ku darayaan in uu Muuse Biixi Soo Waddo Tiro ku dhaw ilaa tobaneeyo Wasiir ku xigeen oo uu damacsan yahay in uu ku damiyo saluuga ay Beelaha qaarkood ku diideen saamiga uu xukuumadda ka siiyay.

Isku shaandhaynta Muuse Biixi ayaa kusoo beegmaysa xili Xiisad dagaal oo culus kala dhaxayso Maamul Gobaleedka Puntland isla markaana labada Ciidan isku horfadhiyaan Jiida Tukaraq ee Gobalka Sool ,halkaas oo mar kasta laga filan karo dagaal khadhaadh oo ka dhex qarxa labada dhinac oo hore dagaalo culus ugu dhexmareen Deegaankaa.

SOMALI NEWS

To Top