WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un oo diiday inuu isticmaalo qalinkii uu heshiiska ku saxiixay Madaxweyne Trump-Video

Muqdisho (Horufadhi News)-Madaxweynaha  dalka Maraykanka Donald Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa ku kala saxiixay heshiis dhinaca amniga ah jasiirad ku taal dalka Singapore labo qalin oo kala duwan.

Markii la saxiixayay heshiiska ayaa waxaa soo if baxday in hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim uusan aaminaynin dowlada Maraykanka kadib markii uu diiday in uu heshiiska ku saxiixo qalinkii uu isticmaalay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Madaxweyne Trump ayuu dhigey qalinkii uu ku saxiixay qoraalka heshiiska  meel aan ka fogeyn hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi,hase yeeshee waxaa miiska si deg-deg ah ku yimid sarkaal ka tirsanaa wafdigii xukuumada Waqooyiga Kuuriya kaasoo gacmaha ay u duubnaayeen waxana uu si taxadar leh u qaaday qalinkii uu Trump isticmaalay, waxaana si dhaqso leh jeebka uga soo bixisay qalin gabadha ay walaalaha yihiin Kim Jong-un taasoo ka mid ahayd wafdigiisa isla markaana dhinac taagneyd marka uu saxiixayay heshiiska.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa la sheegay in uu aad isaga ilaalinayay in uu taabto shey wax u soo gudbin kara inkastoo uu si toos ah u gacan qaaday madaxweynaha Maraykanka markii uu gacanta u soo taagay daqiiqadii ugu horeysay ee kulanka.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo caafimaadkiisa isbedelayay sanadihii la soo dhaafay uu iska ilaalinayay in dhiigiisa ay Maraykanka ay aalad qarsoon ku qaadaan.

Kim ayaa la sheegay in markii uu yimid dalka Singapore oo martigeliyay kulankii uu la yeeshay Madaxweynaha Maraykanka uu hore u soo qaatay wax walba uu u baahnaan karo waxaana la sheegay in musqul gaar ah ay ka mid ahayd waxyaalaha uu ka soo qaatay dalkiisa taasoo uu isticmaalayay intii uu joogay dalka Singapore.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa waxaa la socday markii uu imanayay dalka Singapore ilaaladiisa gaarka ah iyo gaadiid u gaar ah oo uu marwalba isticmaalo isagoo ku yimid dalka Singapore diyaarad laga leeyahay dalka Shiinaha.

SOMALI NEWS

To Top