WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Soomaliland oo sheegtay in uu wada hadal u socdo Puntland-Video

Hargeisa ( Horufadhi News)-Wasiirka Arimaha debedda ee Somaliland Sacad Cali Shire oo Warbaahinta kula hadlay Hargeysa, ayaa ka Warbixiyey Halka ay marayso dhexaadinta Beesha caalamka ee xiisada dagaal ee Tukaraq, Taasi oo u dhaxaysa Puntland iyo Somaliland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wuxuu sidoo kale xusay inuu dagaalkani yahay mid aan Noociisu horey u dhexmarin labada dhinac Isagoo ka digay Dhibaatooyinka laga dhaxli doono. “Dagaal Noocan ah, oo Sidaas u Abaabulan, Wuxuu ina Marin doonaa Jid aan wanaagsanayn, Waxaan dadka Hurinaya ugu Baaqayaa inay Joojiyaan” ayuu Yidhi Sacad Cali Shire.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay Isbadalka uu Samaynayo Dhinaca Siyasaadda ee uu Samaynayo Raysal Wasaaraha Cusub ee dalka Itoobiya.

SOMALI NEWS

To Top