WARARKA SOOMAALI

Soomaliland Muuse Biixi oo ku guulaystay dadaal uu mudo waday iyo Abiy Ahmed oo casuumay..

Hargeysa (HM) – Dowladda Itoobiya ayaa ugu dambeyn casuumaad ah rasmi ah u fidisay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi kadib dadaal socday muddo ku dhow sanad.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa lagu waddaa in maalinta berri ah u safro magaalada Addis-ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, waxaana uu kulan la yeelan doonaa ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed.

Waa markii ugu horreysay ee madaxweyne Biixi uu safar ugu baxo dalka Itoobiya tan iyo markii uu xilka qabtay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Abiy Axmed.

Muuse Biixi ayaa muddo dheer dadaal ugu jiray inuu la kulmo Abiy Ahmed, waxaana dadaallo dhowr ah oo horey u sameysay Somaliland ka cudur daartay Abiy Ahmed, waxaase muuqata in ugu dambeyn la aqbalay codsigii xukuumadda Hargeysa.

Bulshadda kunool degaanada maamulka Somaliland ay aaminsan yihiin in Madaxweyne Farmaajo uu ka mamnuucay Madaxda dowlad goboleedyadda in ay taggaan dalalka dariska la ah Soomaaliya.

Muuse Biixi ayaa dhowr jeer oo horey weerar ku qaaday madaxweyne Farmaajo isaga oo ku eedeeyey inuu cunaqabateyn iyo go’doon geliyey Somaliland.

Isu soo dhowaanshaha Farmaajo iyo Abiy Ahmed ayaa la rumeysan yahay inay kaalin xooggan ka qaaday in Itoobiya ay albaabada ka xirato maamullada ka jira Somaliland, ayada oo toos ula macaamileysa xukuumadda Muqdisho.

SOMALI NEWS

To Top