WARARKA SOOMAALI

Cali Khaliif Galaydh oo maanta Hargaysa soo gaadhay iyo Faysal Cali Waraabe oo soo dhaweeyay-Sawiro

Hargeisa  ( HM ) Waxaa magaalada Hargeisa maanta soo gaadhay Dr. Cali Khaliif Galaydh Madaxwaynihii maamulkii Khaatumo oo Horay Heshiis ula galay Somaliland.

Waxaa halkaasi kusoo dhoweeyay Xubno uu kamid yahay Faysal Cali Waraabe, oo ay Saaxiib dhow yihiin, kana mid ahaa Xubnihii Doorka fiican ku lahaa Wadahadalkii Khaatumo iyo Xukuumaddii Siilaanyo.

Khaatumo ayaa dhowr jeer shaacisay inaan la Fulin Heshiiskii ay la gashay Somaliland, oo ay kamid ahaayeen in dastuurka la furo, waxaana Mudo Hargeisa iyo Warbaahinta ka maqnaa dr. Galaydh.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in Markii Dr. Cali Ciise Cabdi uu iska Sharaxay Puntland, ay Somaliland siwayn u danaysay inay dib Boodhka uga Jafto Wadahadalkii iyo Heshiiskii Khaatumo.

SOMALI NEWS

To Top