WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Kenya iyo Soomaaliya oo xiisada hoos u dhigaya-Video

Muqdisho (HM) – Warbaahinta dalka Kenya ayaa maanta qoreysa in dalalka Soomaaliya iyo Kenya ay ku heshiiyeen in xaalada la dejiyo, khilaafka taaganna si hoose lagu dhameeyo, si looga arinsado wixii dhacay todobaadkan.

Wararku waxa ay sidoo kale sheegayaan in Wasiirka arrrimaha dibadda Kenya Munica Juma ay qorsheyneyso iney soo gaarta magaalada Muqdisho, si ay xaalada ugala hadasho madaxda ugu sareysa ee dowladda Soomalaiya.

Munica Juma oo ka soo laabatay shirkii ammaanka ee ka dhacay dalka Germany, ayaa qorsheheda ahaa iney maanta soo gaarto caasimada dalka, balse waxaa arrintaas ka hor istaagay baarlamaanka dalka Kenya.

Kulanka Baarlamaanka Kenya  ayaa waxaa su’aalo lagu weydiinayey wasiirka arrimaha dibada Kenya, kaasi oo ku aadan  khilaafka Siyaasadeed ee xilligaan soo kala dhex galay Soomaaliya iyo Kenya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Guddoomiyaha guddiga difaaca iyo arrimaha dibadda baarlamanka Kenyam Katoo Metito oo la hadlay warbaahinta gudaha ee dalka Kenya ayaa sheegay in sababta ay u yeereen Wasiirka Arrimaha dibada Kenya ay tahay waxa ay kala socota muranka deplomaasiyadeed ee u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in wax laga weydiin doono Khilaafka  sii xumaanaya ee dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Baarlamaanka dalka Kenya ayaa maanta la filayay in ay ka doodaan Miisaaniyada sanadkan ee dowlada Kenya, inkastoo arrintaasi dib loo dhigay.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan wararka ay tebinayaan warbaahinta Kenya.

SOMALI NEWS

To Top