WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Kenya oo ku ceebowday arrintii Shiidaalka iyo Shirkadda Spectrum oo ka hadashay-Video

Laascaanood (HM) – Shirkadda Spectrum oo sameysay sahminta shidaalka xeebaha Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay waxay faah-faahin uga bixisay shirkii 7-dii Febraayo ka dhacay London iyo dhulka sahminta lagu sameeyey.

Qoraalka oo loo diray wasaaradda batroolka Soomaaliya, islamarkaana ay heshay Caasimada Online, waxay Spectrum ku sheegtay in shirkii London uu ahaa kaliya mid sare loogu qaaday islamarkaana lagu xayeysiinayey shidaalka la tuhmayo inuu ku jiro Soomaaliya.

Spectrum waxa ay sheegtay in intii uu socday shirka London aan marnaba la xaraashin xirmooyinka la sahmiyey ee shidaalka Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Spectrum ayaa dhinaca kale sheegtay in dhul-badeedka sahminta shidaal lagu sameeyey xogtiisana lagu soo bandhigay London uu yahay dhul ay si buuxda u leedahay Soomaaliya, islamarkaana aanu ku jirin dhul-badeedka lagu muransan yahay ee kiiskiisa uu yaallo maxkamadda caddaaladda ee ICJ ee magaalada Hague.

Qoraalka shirkadda Spectrum, oo uu ku saxiixnaa madaxweyne ku xigeenka fulinta ee shirkaddaas ee gobollada Africa, Meditareeniyaanka iyo Bariga Dhexe Graham Mayhew ayaa waxaa la socday qariirad muujineysa dhulka xogtiisa lasoo bandhigay, waxaana ka muquan dhul-badeedka Kenya ay ku haysato Soomaaliya ee maxkamadda ICJ ay go’aanka ka gaari doonto. 

SOMALI NEWS

To Top