WARARKA SOOMAALI

Somaliland oo sheegtay in ay sii dayeen Wiil yar oo 14 jir ah kaas oo ay ku qabteen Dagaalkii Tukaraq-Akhriso

Hargeysa (Horufadhi News)-Maamulka Somaliland ayaa sheegay in ay sii daayeen wiil dhalinyaro ah oo ka tirsanaa ciidamada maamulka Puntland,kasoo lagu qabtay dagaalkii maalmihii lasoo dhaafay ka socday degaanka Tukaraq ee Gobalka Sool una dhaxeeyay labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland.

Taliyaha Ciidamada Somaliland iyo Wasiirka Difaaca Maamulka Somaliland ayaa sheegay in wiilkaasi yar ay sii daayeen,islamarkaana ay ku wareejiyeen Hooyaddiisa oo lagu Magacaabo Sacdiya Cabdi Maxamuud.Sida ay hadalka u dhigeen.

Somaliland waxa ay sheegtay in wiilkaasi da’diisu ay tahay 14 sano jir kaas oo ka barbar dagaalamayey Ciidamadda Maamulka Puntland ee dagaalku dhexmaray kuwa Maamulka Somaliland dhawaan.

Sidoo kale Somaliland waxa ay sheegtay in ay sii deyn doonto cidwalba oo dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deeganka Tukaraq lagu qabtay,kuwaasoo ah Carruur iyo waayeel.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Maamulka Puntland oo ku aadan hadalkaan kasoo baxay Maamulka Somaliland ee ah in ay sii daayeen wiil yar oo ay ku qabteen dagaalkii Tukaraq.

 

SOMALI NEWS

To Top