WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo oo Maxakmadda Sare ee Dalka u magacaabay Sarkaal hore oo ka tirsanaa Xisbiga Wadani ee Somaliland-Akhriso

Muqdisho (Horufadhi News)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii Maxakamadda Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan, waxa uuna xilkaas u magacaabay Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed.Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa ka soo jeeda Somaliland, isagoo xilal ka soo qabtay.

Waxaa uu horaantii sanadkan loo magacaabay Agaasimaha Fulinta Xarunta Dhexe ee Xisbiga Waddani oo ka mid asxaabta siyaasadda Somaliland, hase ahaatee labo bilood kaddib ayuu iska casilay.

Baashe Yuusuf Axmed ayaa soo noqday Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Shaqada Somaliland.

Sidoo kale waxaa uu muddooyinkii u dambeeyay ahaa La Taliyaha dhanka Sharciga ee Guddiga doorashooyinka Qaran ee Madaxa banaan ee Soomaaliya.

Taariikhda waxbarasho.

Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed wuxuu shahaadada koowaad ee Jamacadda ka qaatay Jaamacadda Hargeysa, halka tan labaadna uu ka qaatay University of Hertfordshire, Hatfield oo ku taalla UK.

Garyaqaan Baashe waxa uu hore usoo noqday La-taliye sharci, Bare Jaamacad, qarreen iyo cilmi baare sharci.

Muddo 10 sano ka badan ayuu kusoo jiray hawlaha Garsoorka iyo talo-bixinta sharciga.

Waxay wada shaqeyn dhexmartay hay’ado caalami ah oo ay ka mid yihiin USAID, UNDP, UN WOMEN, IRI, Mercy Corps, UNICEF iyo Wasaarado ka tirsan Dowladda Federaalka ah oo ay kamid tahay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, iyo hay’ado dowli ah iyo kuwa aan dowli ahayn oo ka dhisan Somaliland.

Sidoo kale, Waxa uu muddo 8 sanadood ah xubin ka ahaa Ururka Isu-tagga Qareennada Somaliland.

SOMALI NEWS

To Top