WARARKA SOOMAALI

Puntland“Muuse Biixi waa Dagaal ooge dhibaato hore ugu gaystay Shacabkiisa,, war maanta kasoo baxay Madaxtooyada Puntland-Akhriso

Garoowe (Horufadhi News) –Warsaxaafdeed ka soo baxay Madaxtooyada maamulka Puntland ayaa Maanta looga hadlay xaalada deegaanka tukaraq iyo hadalo Saacadihii la soo dhaafay ka soo yeerayay Madaxweynaha Soomaaliland.

Madaxtooyada Maamulka Puntland oo War-saxaafadeed jawaab ah kasoo saaray hadalkii kasoo yeedhay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inuu la leexday runtu waxay tahay taas oo ah in uu duulaan qaawan ku soo qaadey Puntland.

Warka ayaa sido kale lagu eedeeyay Muuse Biixi inuu dhegaha ka fureystey baaqyadii caalamku u jeediyey dhamaantood, waxayna ku tilmaantay inuu yahay dagaal ooge dhibaato horey ugu geystey shacabkiisa.

Warkan kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland ayaa lagu sheegay in Muuse Biixi markii uu ku fashilmay Dagaalkii Tukaraq uu bilaabay in uu ku celceliyo waxaa nasoo weeraray Dowladda Fedreaalka Soomaaliya.

Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka kasoo baxay:

SOMALI NEWS

To Top