WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Madaxweynaha Galmudug oo Digniin culus u jeediyey Dowladda Soomaaliya iyo waxa dhacay-Video

Muqdisho (Horufadhi News)-Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud ayaa uga digay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay fara-geliso Arrimaha maamulka Galmudug.

Xaaf ayaa sheegay in Galmudug iyo Ahlu-sunna ay mideysan yihiin, isagoo ka saxay hadalkii kasoo yeeray Wasiirka Arrimaha Gudaha ee ahaa inay wada arkeen Ahlu-sunna iyo Galmudug

“Arrinta uu ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Waxaa jeclahay inaan u toosiyo, Ahlu-sunna iyo Galmudug waa mideysan yihiin, waana run oo waan wada-aragnay wasiirka, waa balannay, Wuxuuna noo qabtay labo maalin kaddib inuu war ku keenayo, balse aanu dib dambe ugu soo celin, sidaasna ay keentay inay isaga soo tagaan,” ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

Sidoo kale, Xaaf ayaa uga digay dowladda Federaalka Somalia inay sameyso fara-gelin la mid ah tii dhacday sideed bilood ka hor, isagoo tilmamaay in go’aannadii kasoo baxay shirkii Madaxda Iskaashiga Dowlad-goboleedyada dalka uu ka mid ahaa in Dowladda Federaalka Somalia ay joojiso fara-gelinta maamul goboleedyada.

“Dowladda Federaalka waxaa uga digayaa in aysan sameyn fara-gelin, Galmudug waa xor, baarlamaan ayay leedahay, wixii go’aano ah iyadaa gaaraysa, ciddii banaanka istaageysa iyaga ayay u taallaa, annaga cidna ma fogeynayno, waa soo dhaweyneynaa cid walba,” ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweyne Xaaf.

Madaxweynaha Galmudug ayaa farriin u diray Madaxweynaha DF, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, isagoo kaga digay inay joojiyaan faragelinta dhinacooda ka jirto.

Dhanka kale, Xaaf ayaa u muuqday mid ka biya diidanaa shirka loogu yeeray Muqdisho ee 30-ka bishan, kaasoo ah shir ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha isugu keeneyso dhammaan Madaxda Galmudug ee uu khilaafka u dhaxeeyo.

Ugu dambeyn, Maammulka Galmudug oo markii horeba uu dhismaheeda hareeyeen khilaafaadyo, ayaa weli u muuqata inay mar kale ay lugaha la galeyso khilaaf hor leh, iyadoo Madaxdii maamulkaas ay u kala jabeen Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusa-mareeb oo kawada tirsan Gobolka Galguduud ee bartamaha Somalia.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

SOMALI NEWS

To Top