WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Somaliland oo weli wadda soo Bandhigida Hub iyo Gaadiid dagaal oo ay sheegeen in ay Puntland kaga furteen Dagaalka-Video

Laascaanood (Horufadhi News)-Maamulka Somaliland ayaa wali waxaa ay wadaan soo Bandhigida hub iyo Gaadiid iyo waliba maxaabiis ay sheegeen in ay dagaalkii kaga furteen Ciidamada Maamulka Puntland kadib dagaalkii cuslaa ee deegaanka Tukaraq ku dhexmaray labada ciidan.

Xubno ka socday Somaliland oo Saraakiil iyo wasiiro iskugu jira oo gaadhay Deegaanadii lagu dagaalamay ayaa waxaa ay ka qayb galeen madal ay sakaariisha Dagaalka ee dhanka Maamulka Somaliland kusoo Bandhigayeen Gaadiid dagaal oo ay sheegeen in ay ku qabsadeen dagaalkii dhexmaray iyaga iyo Puntland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Masuuliyiin u hadlay Somaliland ayaa sheegay Inay Gacanta ku dhigeen 10-Maxaabiis ah,   Sidoo kale waxay sheegteen inay Gaadiid dagaal Qabsadeen, Waxayna xuseen inay  dagaalka ku dileen Askar gaadhaysa 27 oo hada ay Maydkooda Ogolaadeen inay Qaadaan Odayaasha deegaanka. Sida ay hadalka u dhigeen.

Xaaladda deeganadii lagu dagaalamay ayaa maalintii labaad deggan iyada oo ay wali is dhaafsanayaan labada dhinac hadallo kulul oo weerar iyo weerar celis in kasta oo ay dhanka kalena socoto waan waan xooggan oo ay waddaan Beesha caalamka oo kaashanaysa Madaxda labada Maamul ee Somaliland iyo Puntland.

 

SOMALI NEWS

To Top