WARARKA SOOMAALI

Gaas oo sadex shuruud ku xidhay joojinta Dagaalka Tukaraq ee kala dhexeeya Somaliland-Akhriso

Garoowe (Horufadhi News)-Hogaamiyaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas ayaa mar kale ku celiyey in Puntland ay mas’uuliyad ka saran tahay maamulida deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, oo ay dhawaan ku dagaalameen Puntland iyo Somaliland.

Cabdiweli Gaas oo ka hadlaayey arrinta dagaalka ayaa sheegay in Puntland ay mar waliba ku taagan tahay wadada difaaca, hase ahaatee aysan diyaar u aheyn inay ku xadgudubto maamul jaar la’ah.

Cabdiweli Gaas, waxa uu sheegay in dagaalka ay kula jiraan Somaliland micnuhu uusan ka turjumeynin inay diidan yihiin nabadda, waxa uuna cadeeyay in Puntland ay waligeeda ka shaqeyn jirtay sida ay nabad ugu wada noolaan lahaayen Somaliland.

Gaas, ayaa tilmaamay in Puntland ay soo dhaweyneyso nabadda iyo baaqyada kaga imaanaya saaxiibada caalamka hase ahaatee ay munaasib tahay in Somaliland laga helo fulinta Seddex shuuruud oo kala ah:

1-In ciidamada Somaliland laga saaro aaga Tukaraq isla markaana la geeyo halka xadka u ah.

2-In gacanta Puntland dib loogu soo celsho Maxaabiista iyo hantida lagu furtay dagaalka Tukaraq.

3-In Somaliland aysan rasaas dhankeeda uga imaan doonin Puntland inta ay waan waantu socto, isla markaana la durjiyo ciidamada Somaliland ee soo galay Tukaraq.

Gaas, ayaa ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating oo ay kuwada hadleen qadka Teleefanka u sheegay in Puntland aysan diyaar u aheyn dagaal dhiig ku data.

Gaas waxa uu mar kale Michael Keating u ballanqaaday in Puntland aysan horboodi doonin dagaalka, hase ahaatee ay dooneyso in dagaalkaasi lagu joojiyo shuruudo cad oo aan xadgudub laheyn, iyadoo la raacaayo Seddexda shuruud ee kor ku xusan.

Sidoo kale, Gaas, Waxgaradka iyo Michael Keating oo saacadihii ugu danbeeyay ay kuwada hadleen qadka Teleefanka ayaa isku waafaqay in xal degdeg ah laga gaari doono dagaalka, balse inta uu xalka socdo ay Puntland joojiso dagaalka.

Si kastaba ha ahaatee, maamulka Somaliland ayaa dhankiisa kala imaaday shuruudo adag oo lagu doonaayo in lagu joojiyo dagaalka kala dhexeeya Puntland ee ka socda deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

 

 

SOMALI NEWS

To Top