WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Somaliland iyo Puntland oo ka hadlay Dagaalka , Maxaabiis Garoowe la gaadhsiiyey iyo Dagaalkii oo socda-Video

Garoowe (Horufadhi News)-Dagaalka Tukaraq ee u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Somaliland oo wakhti kooban hakaday hadda waa socdaa.

Wararka ka imanaya deegaanada ka ag dhow Tukaraq ayaa waxay sheegayaan in dagaalku uu sii xoogaystay.

War kasoo baxay Puntland waxaa ay Somaliland dusha ka saartay Dagaalka socda , Puntland waxaa ay sheegtay in Dagaal bilowday Saaka 5:30 Subaxnimo ay Somaliland wareer kusoo qaaday, warka waxaa ku xusan in Puntland Beesha Caalamka iyo adduunkaba u sheegayso in Somaliland gar daran tahay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dhanka kale Somaliland oo goor aan saa u fogayn ka hadashay Dagaalka saaka ka bilowday Deegaanka Tukaraq ee Gobalka Sool waxaa ay Puntland ku eedaysay in ay Saaka hiirtii weerar qaawan kusoo qaaday puntland , Ciidanka Somaliland, Wasiirka warfaafinta Somaliland wuxuu sheegay in Puntland Somaliland uga faa,iidaysanayso Duufaantii ku dhufatay.

Somaliland waxaa ay Marar badan sheegtay in ay gaadhayso xuduudkeeda oo ah meel aan Garoowe ka fogeyn ,Halka Puntland iyana marar badan sheegtay in ay xoreynayso dhulka ka maqan oo Gobalka Sool ugu horeeyo.

Magaalada Laascaanood xarunta ah ayaa bandow lagu soo rogay war saxaafadeed ka soo baxay Somaliland ayaa lagu sheegay in Laascaanood aan wax warbaahin ah oo aysan ogalayn lagaga hadlin karin sidoo kale aan wax hub ah lagu qaadan karin.

Warka Somaliland ee Laascaanood ayaa kusoo beegmaya xili isla shalay Puntland war kasoo baxay qudha laga jari doono isla markaana uusan wax Mag ah lahayn Qofkii lagu qabto Sir siinta iyo taageerada Somaliland.

Dhanka kale wararka hada aan ka helayno magaalada Garoowe ayaa waxaa ay kusoo waramayaan in ay halkaas la gaadhsiiyey ku dhawaad 40 Maxaabiis ah kuwaas oo Puntland say sheegtay ku qabatay dagaalka Tukaraq lama oga dhanka Somaliland madaama aysan jirin war toos ah oo kasoo baxaya dagaalka hase yeeshee waxaa warkaas maxabiista noo xaqiijiyey ilo ku sugan Kaantaroolka Waqooyi e Garoowe.

Wixii warar ah insha Allaah.Horufadhi News.

SOMALI NEWS

To Top