WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Dagaal khadhaadh oo wali ka soconaya Deegaanka Tukaraq iyo Puntland oo sheegtay in ay usoo dhaqaaqday Laascanood-Video

Garoowe (Horufadhi News)-Waxaa wali soconaya Dagaalkii saaka 5:30 aroornimo ka bilaabmay Deegaanka Tukaraq ee Gobalka Sool kaas oo u dhaxeeya Ciidamadda Maamuladda Somaliland iyo Puntland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dagaalka ayaa sidii uu u bilaabmay waxaa uu hakad galay halka mar inta kalena waa uu soconayey,waxaana dagaalka la isku adeegsanayaa Hubka culus iyadda oo lagu soo waramayo Dagaalkan in uu yahay kii ugu culsaa ee ka qarxa deegaanka ,waxaa jira maxaabiis iyo Guullo ay kala sheeganayaan labada dhinac sidoo kalena eedo culus ayaa ay labada dhan warbaahinta isku marinayaan isaga oo midba midka kale ku eedaynayo Dagaalka.

Labada Maamul ee Somaliland iyo Puntland ayaa mid kastaaba midka kale ku eedeeyay Dagaalka Wasiirka warfaafinta Puntland oo hada ka hadlaya Garoowe ayaa sheegaya in Dagaalka lagu soo qaaday isla markaana ay is difaacday Puntland,Gaadiid dagaal iyo Maxaabiisna ku qabteen isla markaana ay 10KM u dhaqaaqeen dhanka Laascaanood.

Sidoo kale Somaliland ayaa Dagaalka waxaa ay dusha ka saartay Puntland iyadda oo ku eedaysay Puntland in ay uga faaiideysanayso Dagaalka Xaaladda Duufaanta waxaana uu intaas ku daay Wasiirka warfaafinta Somaliland in Somaliland is dufaacayso.

Wariyaha Horufadhi News ee Garoowe waxaa uu dadaal ugu jiraa sidii uu usoo xaqiijin lahaa wararka Puntland ee Dagaalka ay ku sheegayso in ay Xaga Laascaanood usoo dhaqaqday Madaama aysan arintaas wali Somaliland ka jawaabin.

 

SOMALI NEWS

To Top