WARARKA SOOMAALI

Deg Deg:-Muuse Biixi oo Hargeysa ka duulay xili uu Dagaal adag dhexmarayo Ciidamadda Puntland iyo Somaliland-Akhriso

Hargeysa (Horufadhi News)-Madaxweynaha Maamulka Soomaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa goordhow waxa uu ka duulay Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Magalada Hargeysa.

Muuse Biixi ayaa sida aan Wararka ku helnay waxa uu kusii jeedaa deegaanadii ay duufaanta ku dhufatay,waxana uu Diyaarad Helicopter ah ka raacay Hargeysa.

Safarkiisa ayaa waxaa ku wehlinaya Xubno Wasiiro ah oo ay ka mid yihiin Wasiirka arimaha dibada Sacad Cali Shire, Wasiirka Cadaalada iyo Wasiirka Beeraha.

Safarka Muuse Biixi ugu baxay Deegaanada ay duufaantu ku dhufatay ee Somaliland ayaa waxaa uu kusoo aadaaa xili uu dagaal adag ka socdo Deegaanka Tukaraq halkaas oo ay ku wada dagaalamayaan Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland.

 

SOMALI NEWS

To Top