WARARKA SOOMAALI

Deg Deg Daawo:-Dhaawaca 35 Qof iyo mid meyd ah oo hadda la gaadhsiiyey Laascaanood-Video

Laascaanood (Horufadhi News)-Wararka ka imaanaya  Magalada laascaanood ee Xarunta gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in duleedka Magaaladaasi uu ka dhacay Shil gaadhi oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Shilkaan ayaa yimid kadib markii uu rogmaday gaadhi ay la socdeen tahriibayaal u dhashay dalka Itoobiya gaar ahaan qowmiyada  Oromada.

Dhaawaca 35 iyo halka Meydka ah ayaa waxaa haatan uu yaalla Isbitaalka guud ee Magalada laas-caanood sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Caafimaadka,iyaga oo sheegay in ay u baahan yihiin gurmad Caafimaad oo deg deg ah.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Inta badan tahriibayasha u dhashay dalka Itoobiya ee shilkaas ku dhaawacmay ayaa ah Dhalinyaro,waxaana dhaawacoodu uu isugu jiraa mid culus iyo mid fudud.

Madaxda Caafimaadka ee Isbitaalka laas-caanood masheegin in dhaawac looga keenay dagaalka ka socda deegaanka tukaraq xilli wararkaas ay soo baxayeen,waxa ayna sheegeen in iminka ay ku howlan yihiin sidii Eheladooda loogu wargelin lahaa dadka ku dhaawacmay shilkaasi gaadhi.

Wixii warar ah ee kasoo Kordha Horufadhi News.

SOMALI NEWS

To Top