WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Muuse Biixi oo ka hadlay Dagaalka eedayna u jeediyey Dowladda Soomaaliya iyo guusha uu ka sheegtay-Video

Hargeysa (Horufadhi News)-Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Bixi Cabdi oo gaadhay degaanka Saylic ee Gobalka Awdal,degaanada Somaliland ayaa si kulul uga hadlay Dagaalka Saaka ka qaraxay Jida Tukaraq halkaas oo ay ku dagaalameen Ciidamadda Maamuladda Somaliland iyo Puntland.

Madaxweyne Muuse Biix ayaa isaga oo aad u cadhaysan waxaa uu cambaareeyay Puntland iyo Dowladda Soomaaliya oo uu sheegay in ay weerar qaawan kusoo qaadeen Ciidamadda Somaliland ee jiida Tukaraq ku sugan,Waxaa uu intaas raaciyey Muuse Biixi in Dagaalkii Saaka lagu jabiyey Ciidamadda Puntland oo uu sheegay in ay sadex jiho kasoo weerareen Fadhiisimaha ay Ciidanka Somaliland ku lahayeen Deegaanka Tukaraq ee Gobalka Sool halkaas oo ay in mudo ahba isku hor fadhiyeen labada ciidan.

“Anaga oo ku jirna gurmad ayaa waxaa weerar nooga yimid Soomaaliya halka Soomaali kale ay kacaawineyso,laakin waxay ahaataba waan is difaaceynaa ,dagaalka socda dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah ayaa jira laakin soomaaliland marwalba weey iska difaaceysaa weerraka uga yimid Soomaaliya,,ayuu yidhi Muuse Biixi.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xaaladda ayaa hadda deggan saan wararka ku helayno waxaana istaagay Dagaalka iyadda oo aan wali la xaqiiqsan khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkii Saaka walow ay jiraan labadda dhinacba Khasaare xooggan ooo soo kala gaadhay,Somaliland ayaa sheegatay Guullo waa weyn iyadda oo sheegtay in Dagaalka looga adkaaday Puntland oo weerar soo qaaday.Halka Puntlandna sheegtay in Dagaalkii lagu jabiyey Ciidamadda Somaliland oo Saaka goor hore soo weerar tagay isla markaana waxaa ay sheegteen in ay 10km dhanka Laascaanood u dhaqaaqeen Maxaabiis tiro badan iyo Gaadiid dagaalna gacanta ku hayaan.

 

 

 

SOMALI NEWS

To Top