WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Wasiirka gaashaandhiga Somaliland oo ka hadlay Dagaalka ,wuxuu sheegay in ay Maxaabiis iyo Gaadiid haystaan-Video

Hargeysa (Horufadhi News)-Wasiiradda Gaashaandhiga iyo Warfaafinta Somaliland oo Warbaahinta Shir ugu qabtay Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland ayaa si adag uga hadlay Dagaalka maanta dhexmaray Ciidamadda Somaliland iyo kuwa Puntland kaas oo in badan Maanta ilaa saaka Hiirtii ka soconayey Deegaano ka tirsan Gobalka Sool gaar ahaan Deegaanka Tukaraq oo ay hore iskugu hor fadhiyeen labadda Ciidan.

Somaliland waxay sheegtay in dagaalka Tukaraq ay guulo ka gaadheen isla markaana ay gacanta ku hayaan Maxaabiis iyo Gaadiid dagaal isla markaana Ciidankoodu ay ku sugan yihiin halkii markii hore ay ku sugnaayeen.

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Ciise Axmed Xawar ayaa sheegay in dhanka Puntland ay dagaalka qayb ka ahaayeen ciidankooda badda isla markaana ay hayaan maxaabiis ciidankaasi ka tirsan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Somaliland waxaa ay ku celcelinaysaa in ay Dagaalka qayb ka tahay Dowladda Soomaaliya isla markaana ay Ciidamo iyo Huba kaga jiraan Dagaalka ka soconaya Tukaraq,Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo goordhow warbaahinta la hadlay ayaa yidhiAnaga oo ku jirna gurmad ayaa waxaa weerar nooga yimid Soomaaliya halka Soomaali kale ay kacaawineyso, laakin waxay ahaataba waan is difaaceynaa ,dagaalka socda dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah ayaa jira laakiin Somaliland marwalba wey iska difaaceysaa weerarka uga yimid Soomaaliya”.

Xaaladda ayaa hadda Deggan in kasta oo labada dhinacba ay soo gaadhayaan Gurmad xoog leh kuwaas oo kusoo biiraya Jiidaha Dagaalka warar ayaa sheegaya in ay labada ciidan maanta Dagaalka kasoo kala gaadheen Khasaare xooggan oo dhan kasta leh.

 

SOMALI NEWS

To Top