WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Somaliland oo soo Bandhigtay Ciidamadii iyo Gaadiidkii ay ku qabatay Dagaalka, Xaaladda Caawa-Sawiro+Video

Laascaanood (Horufadhi News)-Maamulka Somaliland gaar ahaan Ciidamadii maanta ku dagaalamay Deegaanka Tukaraq ee Gobalka Sool ayaa soo Bandhigay Sawiradda Gaadiid iyo Rag sheegeen in ay ka tirsanaayeen Ciidamadda Maamulka Puntland ee ay Dagaalka Khadhaadh maanta isku arkeen jiidaha gobalka Sool.

Somaliland waxaa ay sheegtay in ay Raggan iyo Gaadiidkan ka tirsan yihiin Ciidamadda Puntland isla markaana ay ku qabteen Dagaalkii Saaka ,waxaana ay sheegen in ay Ciidamadan ka tirsan yihiin Ciidamadda Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa uu imaaraadku tababaray waa sida ay hadalka u dhigeene.

HALKAN KA DAAWO VIDEO DAGAALKA

Ilaa hadda lama xaqiiqsan khasaaraha dhabta ah ee Dagaalka saaka madaama ay Puntland iyo Somaliland ba warbaahinta iyo shacabkaba ka joojiyeen in ay ka ag dhawaadaan aagagii dagaalka sidaasna aan lagu ogaan karin khasaaraha rasmiga ah ee labadda dhinac in kasta oo qolo kasta ay sheeganayso Guullo iyo libinta Dagaalka in ay iyagu gaadheen.

Dagaal khadhaadh oo maanta dhex maray labadda Ciidan ee Somaliland iyo Puntland ayaa goor duhuradii maanta ah joogsaday iyadda oo aysan cid kala dhex galin si iskii ah isaga istaagay kadib saacado badan oo uu dagaalku halkaas ka socda Hubka noocyadiisa kala duwana la isku adeegsanayey.

Lama ogga halka xaalku ku dambayn doono balse way is horfadhiyaan labadii Ciidan ee Saaka ku dagaalamay deegaanka Tukaraq qolo kastana waxaa gaadhaya Gurmad xoog leh iyo Saadka Noocyadiisa kala duwan taas oo hor seedi karta in goor kasta Dagaal ka dhex qarxo Puntland iyo Somaliland.

 

SOMALI NEWS

To Top