WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Beesha Caalamka oo si kulul uga hadashay Dagaalka Tukaraq iyo Warbaahinta Horufadhi oo warbixin xasaasi ah ka diyaarisay Xaaladda-Video

Muqdisho (Horufadhi News)-Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha caalamka ayaa aad uga walaacsan Dagaalka iyo isku dhacyada hubaysan ee ugu dambeeyay ee maanta  mar kale kasoo cusboonaaday agagaarka deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool una dhexeeya Puntland iyo Somaliland’,waxayna ku baaqayaan xabbad-joojin degdeg ah iyo in uusan Dagaalka daba dheeraan oo khasaare intaas ka badan galaafan.

Dagaal culus ayaa aroortii Saaka ka dhex qarxay ciidamada Puntland iyo Somaliland,waxaana lagu soo warramayaa in Hubka culus la isku adeegsaday khasaare xoog lehna ka dhashay Dagaalkii.

Saaxiibada caalamku waxay ugu baaqayaan labada dhinac inay si dhakhso ah u hakiyaan dagaalka, ay billaabaan wadahadal dhex-mara taliyeyaasha ciidamada goobta ku sugan, xaqiijiyaan gaarsiinta gargaarka baniaadanimo ee loo wado dadka barakacay, ayna ka wada-hadlaan kala-qaadista ciidamada iyo is-weydaarashada maxaabiista Askarta ah ee la kala qabsaday.

HALKAN KA DAAWO WARBIXIN

Saaxiibada caalamku waxay tilmaameen in shaqaaqadu ay dhacayso iyadoo bartanka looga jiro xaalad bani’aadanimo oo adag oo sii cakirintay  saamaynta duufaanta roobabka dabaylaha wata ee Beesha Caalamka waxaa ay shegtay in isku-dhacyadu keliya uga sii darayaan dhibaatada haysata dadka ku nool deegaanada lagu dagaalamay oo ay ku sheegeen kuwo daris la noqday xaalad cabsi ah iyo mid bini,aadanimo.

“Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Dowladaha Belgium, Denmark,  Itoobia, Finland, Jarmalka, Ireland, Talyaaniga, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Maraykanka waxay ugu baaqayaan dhammaan dhinacyada inay dhowraan nabadda” ayaa lagu yidhi war qoraal ah oo kasoo baxay Beesha Caalamka.

 

SOMALI NEWS

To Top