WARARKA SOOMAALI

Live Toos u daawo Dagaalka:-Puntland oo Somaliland ku eedaysay Dagaalka iyo Somaliland oo Puntland ku eedaysay Dagaalka-Video

Garoowe (Horufadhi News)-Dagaalkii u dhexeeyey ciidamada Puntland iyo Somaliland ee hiirtii saaka ka qarxay jiida Tukaraq ayaa labada dhinacba sheeganayaan guul, ilaa hada dagaalka aya dhaliyey khasaare, waxa jira dhimasho labada dhinacba ah oo aan cadadkooda la hayn, sida muuqatana waxa dagaalka si weyn ugu gacan sareeya ciidamada Puntland oo u muuqda kuwa ayagu horumaro waa weyn ka sameeyey dhanka Dhulka, dad ku sugan Laascaanood ayaa sheegay in Tukaraq badankeeda ay la wareegeen ciidamada Puntland. Balse cid masuuliyiin ah oo arintaas cadeysay ma jirto.

HALKAN TOOS UGA DAAWO

Ciidamada Puntland ayaa la sheegay inay dhawr meelood ku hareereyeen kuwa Somaliland, dagaalka ayaa u muuqda mid culus, gawaadhi dhaawac iyo mayd sida ayaa dhaafay Laascaanood, halka dhaawacna la soo gaadhsiiyey cusbitaalka weyn ee Garoowe.

Labada maamul ka sokoow guulaha ay sheeganayaan oo aan ahayn kuwa rasmi ah waxay qirayaan in dagaalku yahay mid culus oo noqon kara mid sii balaadha saacadkasta.

Gurmadka ayaan kala joogsaneeyn , Laascaanood waxa abaabul weyn ka wada xubno deegaanka ah oo u Caal la inay heleen cid ay jiida geeyaan.

Dagaalka ayaa hada u muuqda mid gacanta la isula tagayo isla markaana waxmarkasta yaraanaya fursadda ay labada dhinac u helayaan inay hubka waa weyn isticmaalaan. Ciidama Puntland ayaa si weyn ugu dagaalamaya dagaalka dhulka taasoo ka dhigan inay u muuqdan kuwa doonaya inay xoog ku muquuniyaan kuwa Somaliland oo ayagu Tukniko adeegsanaya.

Dhimashada ayaa ilaa hada la sheegaya in tobaneeyo ruux ay gaadhayso dhinayacda.

Xasuusin: Horufadhi ma cadeyn karto sheegashada qabsashadda Tukaraq sidoo kale khasaaraha iyo sheegadiisu waa warar aan madax banaaneeyn.

La soco wararkeena.

SOMALI NEWS

To Top