WARARKA SOOMAALI

Deg Deg:-Dagaal culus oo ka qarxay Deegaanka Tukaraq Puntland iyo Somaliland oo isku fara saaray…

Garoowe (Horufadhi News)-Wararka Horufadhi ka soo gaadhaya jiida la isku horfadhiyey ee Aaga deegaanka Tukaraq ayaa sheegaya inuu dagaal culuso hiirtii waaberi ee saaka halkaas dib uga qarxay. Dagaalka ayaa ka soconaya sadex Aag oo waa weyn.

Waxana xabada ugu culuso si weyn uga dhacaysa Kantaroolka tuulada Tukaraq iyo dhanka Koonfureed ee magaalada gaar ahaan xarunta Xerta timoweynta. Masuuliyiinta labada maamul ayaa cadeeyey jiritaanka dagaalka, Puntland ayaa sheegtay in gulufkani yahay waxay ugu yeedheen dagaalkii Qarniga.

Somaliland ayaa sheegaysa inay isdaafacayso, dadka lagu dul dagaalamyo ayaa u eg kuwa aan cidi ka war hayn bedqabkooda iyo barakacooda,  waxaana xaaladu hada tahay mid adag, labada dhinacba waxay jiida ku daabulayaan gurmadyo kala duduwan, gaadiidka gaashaaman, kuwa deg deg ah ee caafimaadka, kuwa sameecado lagu xidhay ayaa dhamaantood dagaalka qayb ka ah.

Si kale marka loo dhigo waa labada maamul ee ugu da’da weyn maamul goboleedyada haybta badan ee dalka Soomaaliya ka jira.

Horufadhi kala soco wararka ugu danbeeya.

SOMALI NEWS

To Top