WARARKA SOOMAALI

Shirkii Golaha Amniga Qaran oo u baaqday Khilaafka Baarlamaanka iyo Xukuumadda ka dhextaagan darteed-Akhriso

Shirkii Golaha Amniga Qaranka ee lagu waday in maanta oo taariikhdu tahay 28 bisha Maarso ka dhaco magaalada Baydhabo ayaa baaqday, iyadoo loo sababeynayo khilaafka siyaaadeed ee ka dhex qarxay Baarlamaanka iyo Xukuumadda, kaddib mooshinkii laga keenay Guddoomiye Jawaari.

Inkastoo aan wali si rasmi ah u soo bixin war ku saabsan dib u dhaca shirkan hadana waxaa shirkii u dambeeyay ee Golaha Amniga Qaranka ee ka dhacay bishii February magaalada Muqdisho waxaa lagu balamay in shirka soo socda uu ka dhaco Baydhabo, lagana wada hadlo Qeybsiga kheyraadka iyo hanaanka doorasho ee uu dalka qaadanayo sanadka 2020.

Khilaafka siyaasadeed ee uu dalka galay ayaa curyaamiyay dhamaan howlihii hey’adaha dowladda, iyadoo xubnaha Golaha Wasiirada ay si toos ugu lug yeesheen khilaafka, markii ay ka soo muuqdeen shirarka iyo abaabulada mooshinka ka dhanka ah Gudoomiye Jawaari.

C/raxmaan C/shakuur oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa qoraal kooban uu bartiisa ku soo qoray waxaa uu is weydiiyay halkii uu ku dambeeyay shirka Baydhabo ee loo balansanaa maanta 28-ka bisha Maarso

“Waxaan horay u soo dhawaynay natiijadii kasoo baxday shirkii bishii hore horraanteedii la qabtay, kaasoo ay ka soo baxeen go’aanno wax ku ool ah, Hawlaha ku muddaysnaa taariikho cayiman ayaa sida muuqata aan wax laga qaban, Waxaa muuqata in qalalaasaha siyaasadeed ee mooshinka ka dhashay uu hawl kasta cuuryaamiyey, Dhowr jeer oo hore ayaan sheegnay in dalkaan isku tanaasul iyo isla gudoon lagu wado ee aysan jirin cid inta kale tabar dhaanta, ee Ilaaheey caqliga ha inoo soo celiyo”ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay Barta Facebook.

Ka sokow in shirka Baydhabo waxaa jiray shir kale oo ay yeelan lahaayeen Madaxda dowlad goboleedyada ee ku bahoobay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo isna ka dhici lahaa 20-kii bishan magaalada Garowe, kaasoo isna loo aaneynayo inuu u baaqday qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhashay mooshinka Guddoomiye Jawaari.

SOMALI NEWS

To Top