WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Hoggaamiyaha Kuuriyadda Waqooyi oo booqasho qarsoodi ah ku tagay Dalka Shiinaha iyo Warbaahinta Horufadhi oo xog ka heshay-Video

Dowladaha Shiinaha iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa shaaciyay in Kim Jong Un Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi booqashadii ugu horeesay isaga oo Madaxweyne ku tagay dalka Shiinaha .

Booqashada Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa aheyd mid qarsoodi ah oo laga qariyay Warbaahinta iyo shacabka, Waxa uuna Kim Shiinaha ku tagay Tareen nuuca dheereeya ah, waxaan amaankiisa sugayay ciidamo aad u badan oo meelo badan la dhigay.

Kim Jong Un ayaa booqasho hal maalin ah ku tagay dalka Shiinaha waxa uu la kulmay Madaxweynaha dalkaasi Xi Jinping iyo Madax kale, waxa ayna labada dhinac kawada hadleen arimo nadan oo qeyb ka tahay xal u helida xiisada ka taagan Gacanka Kuuriya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Safarkan Kim Jong Un ayaa ah mid horudhac u ah wadahadalada dhawaan la filayo inay u bilowdaan dowladiisa iyo dalalka ay is hayaan ee Kuuriyada Koonfureed iyo xulafadooda Maraykanka oo la qorsheenayo inay dhacaan labada bil ee soo socota April iyo May.

Kim Jong Un ayaa sidoo kale doonaya inuu dib u hagaajiyo xiriirka uu la leeyahay Shiinaha oo ah xulafadooda ugu muhiimsan oo ay leeyihiin xiriirka ugu weyn ee ganacsiga, waxa uuna xariirka labada wadan noqday mudooyinkii dambe mid sii xumaanayay.

SOMALI NEWS

To Top