WARARKA SOOMAALI

Sheekh Shariif oo kusoo wajahan Muqdisho iyo qaban qaabo xoogan oo socota

Muqdisho (HM)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa la filayaa in maalinta Khamiista oo taariikhda ku beegan 25 April uu soo gaaro magaalada Muqdisho.

Diyaar garow lagu soo dhoweynayo Shariifka ayaa ka socota magaalada Muqdisho, iyadoo soo dhoweynta uu diyaarinayo Xisbiga Himilo Qaran oo uu hoggaamiyaha ka yahay.

Wararka ayaa sheegaya in ujeedada safarka Sheekh Sharifi ee Muqdisho uu yahay Shirweyne uu Xisbiga Himilo Qaran ku qabanayo Muqdisho, kaasoo lagu dhisayo xubnaha Golaha Fulinta Xisbigaas.

Sheekh Shariif oo looga adkaaday doorashadii 2017 ayaa isu diyaarinaya in markii saddexaad uu diyaar garow xoog leh u galo Tartanka doorashada soo socota ee 2020/21.

Imaanshaha Shariif ee Muqdisho ayaa la rumeysan yahay inuu culeys siyaasadeed ku yahay dowladda Madaxweyne Farmaajo, iyadoo horay Muqdisho ugu sugnaa Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

SOMALI NEWS

To Top