WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in la rido Xukuumadda Khayre-Video

Nairobi ( HM) Magaalada Nairobi waxaa ku shiray Siyaasiyiin mucaarad ku ah dowladda Federaalka Soomaaliya ,  Xildhibaano ka tirsan labada Aqal,  Xubo ka socday Xisbiyo waxayna soo jeediyeen Codsi la yaab leh markii uu shirkaasi soo dhamaaday.

Waxaa eedayn loo jeediyey Xukuumadda Soomaaliya, Iyadoo lagu eedeeyay inay ku fashilantay amniga, wadashaqeynta dowlad goboleedyada, wadahadalladii DF Soomaaliya iyo Soomaaliland, iyaga oo sidoo kale ku eedeeyeen inay caburisay Siyaasiyiinta ka aragtida duwan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Marka laga soo tago eedeymaha ay u jeediyeen dowladda, qodobka ugu weyn ee shirkan kasoo baxay ayaa ah in ka qeyb-galayaasha ay madaxweynaha ka dalbadeen taliyey inuu soo dhiso xukuumad cusub oo meesha ka saaro xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, oo ay sheegeen inay fashilantay.

“Xukuumaddu way fashilantay waxaana lasoo jeediyey in lagu baddalo xukuumad cusub oo shaqeysa,Shirkan shirka xiga xamar ayuu ka dhacayaa Tabarta dowladdana tabarteeda waa la ogyahay inta xamar ay xayndaabka uga jirto,Madaxweynuhu wuxuu ku celceliyey talo la ima siiyo,hadda waa tanaa ee ha qaato” Ayuu yidhi Xildhibaan Fiqi oo kamid ahaa dadkii Shirkaasi ka hadlay.

SOMALI NEWS

To Top