WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Cali Khaliif Galaydh iyo Axmed Ismaaciil Samater oo waraysi Xasaasi ah bixiyey si wada jira-Video

Laascaanood ( HM ) Dr.Cali Khaliif Galaydh iyo  Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa Waraysi dhinacyo badan Taabanaya waxay siiyeen  Telefishinka SAAB, Waxaana wax laga waydiiyey Arinta Dastuurka,  Wadahadalka DF-Somaaliya, Xaalada Somaliland, Muranka Doorashada iyo Arimo kale oo Xiiso leh.

Dr. Galayadh  ayaa ugu horayn ka hadlay Heshiiskii Khaatumo iyo Somaliland iyo Sababta uu Weli u hirgeli waayey. “Heshiiskii aan la galnay Xukuumaddii Siilaanyo  ee Baarlamaanku Ansixiyey, Weli Waxba kama dhaqan gelin,   Waxaanu filaynay inkastoo maamulka uu cusbaa oo isbadal yimid , hadana  muuqato inuu mudnaan siin doono.”

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dastuurka in la furo ayuu sheegay inay Somaliland oo dhan dan u tahay “Malaha Qaar bay Argagixiso ay gelisay, Bal hala isaga yimaado Dastuurku ileen Waxyi maahee, Waana Howlguud” Ayuu yidhi Galaydh.

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa  ugu horayn sheegay inuu Sida uu Cali Khaliif uga hadlay Arimaha Dastuurka uu ku raacsan yahay, Wuxuuna ka hadlay Dhankiisa  Wadahadalka u dhexeeya DF Soomaaliya iyo Somaliland, Wuxuuna sheegay inaan Weli lasoo bandhigin Qadiyadda Somaliland oo Quraafaad aan ku Jirin.

Samatar ayaa sidoo kale ka hadlay  SaamiQaybsiga Somaliland, Doorashooyinka  iyo Baarlamaanka oo Wakhti badan iska fadhiyey Kuraasta.

Dr. Cali Khaliif ayaa dhankiisa sheegay inta aan lala hadlin DF Soomaaliya in loo baahan yahay Somaliland dhexdeeda Doodo badan oo yaalla laga bogto,  Islamarkaana iyadoo Kalsooni lagu Qabo dadka la dirayo oo dadka Wada matasha, oo lagu Qancin karo Geeska Afrika iyo Caalamkaba Siyaasad Kortay.

SOMALI NEWS

To Top