WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Ra’iisul Wasaare Rooble oo lagu soo dhaweeyay Ingiriiska

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada London ee Caasimadda dalka Ingiriiska, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Ujeedka Ra’iisul Wasaare Rooble ee London ayaa waxaa uu yahay ka qeyb galka Shir heer Caalami ah oo ka dhaci doona Magaaladaas oo looga hadli doono sara u qaadista tayada Waxbarashada Carruurta.

Maxamed Xuseen Rooble inta uu joogo Ingiriiska ayaa waxaa uu kulan la qaadan doonaa Ra’iisul Wasaare Boris Johnson, Madax iyo Mas’uuliyiin kale, isagoo kala hadli doona Arrimo kala duwan.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Madaxda ka qeyb galeysa Shirka ka furmaya Magaalada London ee Caasimadda dalka Ingiriiska ayaa waxaa kamid ah Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo Madax kale oo heer Caalami oo kusii jeeda London.

SOMALI NEWS

To Top