WARARKA SOOMAALI

Dowladda oo Guddi u saartay Ikraan Tahliil oo lagu waayay Muqdisho

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Genaraal Cabdullaahi Buulle Kamay ayaa u magacaabay Sadax Sarkaal oo ka kala Socda Xafiiska Xeer ilaalinta, Booliiska & Nabad-Sugidda Baaritaanka Kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo la la’ yahay tan iyo 26-kii June Sanadkan.

Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada ayaa faray Taliska hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA inay la shaqeeyaan Saraakiisha magacaaban, isla markaana kala shaqeeyaan wadda kasta oo lagu gaari karo Danta Cadaaladda ee Ikraan.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida in Xafiiska Xeer ilaalinta aqbalay furashada Gal-Dacwadeed ay u soo gudbisteen Ehelka Maqanad Ikraan Tahliil oo la waayay 26-kii June 2021.

Ehelada Ikraan Tahliil ayaa sheegay gabdhadooda ay ka maqan tan iyo 26-kii June, isla markaana Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ka dalbaday inay u soo helaan Ikraan oo aheyd Gabar la sheegay inay ka tirsan tahay NISA.

SOMALI NEWS

To Top