WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Puntland oo Maanta Shirweyne ka daah-furay Garoowe

Shirwaynaha  sanad laha ah ee Waxbarashada Puntland ayaa waxaa daah furay Madaxwaynaha Puntland, waxaana ka soo qayb galay Kulankaani Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Goleyaasha Dowlada Puntland, Mas’uuliyiinta Waxbarashada heerarkooda kala duwan, Ganacsato , Aqoonyahano, Waalidiin, Ardey iyo ururada Bulshada rayidka ah ee Puntland.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland ayaa shirka ku soo bandhigtay Horumarada waxbarasho ee sanadkii ugu danbeeyay xabaqadaha jira iyo hiigsiyada waxbarasho ee Puntland.

Madaxdii iyo Mas’uuliyiinta kala duwanayd ee ka soo qayb gashay shirwanaha waxbarada Puntland ayaa Bogaadiyay waxqabadka iyo dadaalka Wasaaradda waxbarashada Puntland ,iyadoo lagu jiro waqti adag oo ay caqabado kala duwani soo wajaheen qaybaha Waxbarashada.

Madaxweynaha puntland oo daah firayay shirka ayaa bogaadiyay shaqada socota iyo qorshaha horumarinta ee ay la timid Wasasradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland, wuxuuna muujiyay sida ay uga go’antahay in horumar fiican laga gaaro Waxbarashada oo ka mid ah adeegyada Bulsho ee Puntland ay guulaha la taaban karo la gaartay.

SOMALI NEWS

To Top