WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Galmudug oo Digniin kasoo saartay amniga Doorashooyinka

Madaxweyne ku-xigeenka dowad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa shir guddoomiyay shirka amniga doorashooyinka Galmudug oo dhacay Magaalada Caasimadda ah ee Dhuusamareeb.

Shirka waxaa ka qeyb galay saraakiisha kala duwan ee ciidamada amniga iyo kuwa amisom wasiiro ka tirsan Xukuumadda Galmudug iyo xubno ka mid ah guddiga doorashooyinka heer Dowlad Gobaleed iyo maamulka Caasimadda.

Shirka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay sugida amniga doorashooyinka dhawan ka dhici doona Guud ahaan dalka gaar ahaan Galmudug.

Taliyaha BoolisKA Galmudug Gen Khaliif ayaa Madaxweyne kuxigeenka ugu warbixiyay sida ay ugu diyaar garooben sugida Amniga Doorashoyinka Galmudug ka dhacaya gaar ahaan Caasimada Dhusamareeb iyo Magaalada Gaalkacyo.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

SOMALI NEWS

To Top