WARARKA SOOMAALI

Guddi uu Magacaabay R/Wasaare Rooble oo walaac muujiyay + sababta

Guddigaan oo uu Ra’iisul Wasaare Rooble u magacaabay u ololeynta  iyo xaqiijinta qoondada haweenka ugu yaraan 30% ee labada aqal ayaa walaac ka muujiyay in Dowlad Goboleedyada ay ilaaliyaan Qoondada Haweenka ee Baarlamaanka labada Aqal.

Gudoomiyaha Guddiga ahna Guddoomiyaha Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gabale ayaa sheegtay in ay waac xogan ka qabaan waxa ka socda Kismaayo maadaama shaki weyn ay ka qabaan kuraasta Haweenka ee kasoo bixi karta Magaalada Kismaayo.

Waxa ay hadalkeeda intaasi ku dartay in musharixiinta kasoo baxday Jubbaland ay isha ku hayeen guddigooda, waxaana ay ka dalbatay Madaxweynaha Jubbaland in uu kasoo baxo kaalintiisa ku aadan xaqiijinta qoondada haweenka.

Haweenka Soomaaliyeed ayaa dhowr jeer waxaa ay walaac ka muujiyeen in la ilaaliyo xaqiijinta qoondada haweenka, taas oo keentay in Ra’iisul Wasaare rooble uu nu Magacaabo guddi ka Shaqeeya u ololeynta  iyo xaqiijinta qoondada haweenka ugu yaraan 30% ee labada aqal.

SOMALI NEWS

To Top