WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO:-Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Beesha Caalamka

Ra’iisul Waasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiillada Beesha Caalamka oo ay ka wada hadleen Doorashooyinka Soomaaliya.

Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Beesha Caalamka ayaa waxaa looga hadlay khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada ka dhaceysa dalka oo weli Madaxda aysan heshiis rasmi ah ka gaarin.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa diirada lagu saaray dardar gelinta iyo dhammeystirka arrimaha doorashooyinka dalka, si waafaqsan heshiiskii 17-kii September,2020 iyo soo jeedintii guddigii farsamada ee Magaalada Baydhabo.

Beesha Caalamka ayaa wada dadaalo kala duwan oo ku aadan sidii heshiis looga gaari lahaa khilaafka taagan, iyagoona shalay kulan la qaatay Madaxda dowlad Goboleedyada, kuna boorisay inay sii wadaan kulamada hordhaca u ah Shirka guud ee Madaxda.

SOMALI NEWS

To Top