WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Madaxtooyada oo si kulul uga hadashay hadal kasoo yeeray CC Sharmaake

Maamulka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si kulul u beeniyay wararka sheegaya in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu berri safar u yahay ka qeyb galka shir la sheegay inuu ku saabsan yahay heshiis amni oo heer gobol ah oo ka dhici doona Itoobiya.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku tilmaamay warkaas mid aan waxba ka jirin oo la been abuuray.

Waxaa uu intaas ku daray in Safarrada shaqo ee Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Farmaajo ay yihiin kuwo daahfuran oo xogtooda ay si dhammeystiran u soo gudbiyaan Warbaahinta dalka.

Halkaan Ka Daawo Muuqaalka Agaasimaha Madaxtooyada

SOMALI NEWS

To Top