WARARKA SOOMAALI

Somalia: Dadka uu ku dhacayo Cudurka COVID-19 oo sii kordhaya

Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay dad hor leh oo laga Cudurka halista ah ee COVID-19, kuwaasi oo baaritaano Caafimaad lagu sameeyay, kadibna laga helay xanuunka.

Warbixinta maalinlaha ah oo ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka ayey ku sheegtay in saacadihii lasoo dhaafay Cudurka laga baaray 1072 qof, isla markaana laga helay 128 kamid ah dadkaas.

Dadka laga helay Cudurka ayaa ku kala sugan Somaliland (41), Puntland (32), Jubbaland (24), Hirshabeelle (18) iyo Gobolka Banaadir (8), waxaana bukaanada cusub 68 kamid ah ay yihiin rag, halka 60 kalena ay yihiin Dumar.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in saacadihii lasoo dhaafay Cudurka ay Somaliland ugu dhinteen 8 ruux iyo Magaalada Muqdisho oo 3 qof, kuwaasi oo ahaa dad uu horey ugu dhacay xanuunka, waxaana ka bogsaday 36.

Tirada guud ee Cudurka COVID-19 laga diiwaan-geliyay gudaha Soomaaliya aya gaartay 11,292 qof, isla markaana waxaa ka bogsatay 4,795, halka ay u dhinteen  521, sida ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya.

SOMALI NEWS

To Top