WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Madaxweyne Lafta-gareen oo soo gaaray Muqdisho iyo Ujeedkiisa

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo maalmihii lasoo dhaafay safar shaqo ku joogay wadanka Turkiga ayaa goordhaw kasoo degay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Lafta Gareen ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyey xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda Soomaaliya, qaar ka mid ah Odayaasha iyo waxgaradka ku dhaqan Magaalada Muqdisho iyo xubno kale.

Madaxda maamul Goboleedyada ayaa dhamaantooda hada ku sugan Magaalada Muqdisho oo la filayo in uu ka dhaco shirka looga hadlayo arimaha doorashada , lamana oga shirka Farmaajo iclaamiyay in beri uu dhici doono iyo in kale.

Halkaan riix si aad u Daawato Muuqaalka .

SOMALI NEWS

To Top